U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah Oo Qaadacday Shirka Arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ee Nairobi

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir maanta lagu waday iney ku wada hadlaan Somaliland oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Nairobi.

Agaasimaha guud ee Villa Somaliland Dr. Nuur Diiriye ayaa waxaa uu yiri ” Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nayroobi ka dhacayo balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo mira dhal ah lala furo Somaliland marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo”.

Kulanka waxaa soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue, sidoo kale waxaa ka qeyb geli lahaa mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka.

Goobjoog News