U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo IGAD Oo Ku Dhowaaqay Waqti Uu Dib u Bilaabanayo Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo Sabtida lagu wado in mar kale uu ka furmo Jowhar.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Odowaa ayaa sheegay in dowladda iyo IGAD ay ka shaqeeyeen qabsoomidda shirka iyo mira-dhalintiisa.

Odowaa oo shirka ka hadlay waxaa uu yiri “Waxaad ka war haysaan in muddo Sanad ah laga joogo la saxiixay in maamul loo sameeyo dowlad goboleed loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe,maamulkaasi waqti dheer buu soo qaatay sida maamulladii ka horeeyay loo dhisay”

“Runtii aragti kala duwanaansho qaadatay waqti dheer waxay dowladda Soomaaliya go’aan ku gaartay in ay u kaashato urur goboleedka IGAD, sidii loo fududeyn lahaa la iskuna fahamsiin lahaa dhinacyada kala duwan ee shakiga ku kala qaaday shirka, sidaad ka warhaysaan shirkaasi wejiyadiisa kala duwan illaa haddaba wuu ka furan yahay Jowhar oo madaxweynaha ka furay January si loo helo raali ahaanshaha dhammaan dadka deggan Labada gobol, waxay qaadatay waqti badan oo aan isaga daba laabannay magaalada B/weyne iyo daafaha kale ee Labada gobol si loo gaaro maamul u dhameystiran Labadaasi gobol dadkuna ku wada qanacsan yihiin” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri “Labadii Bil ee lasoo dhaafay wasaaradda arrimaha gudaha iyo IGAD waxay ka wada shaqeynayeen sidii maamulka dib loogu soo kicin lahaa sameynta maamulka, mudane Ra’iisul wasaare waxay hadda shaqadaasi soo gaartay meel gabogabo ah”  ayuu hadalkiisa kusoogaba gabeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

Dhinaca ergeyga IGAD Maxamed Cabdi Afey oo isna shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ururkooda iyo dowladda Soomaaliya uga wada shaqeeyeen sameynta dowlad goboleedyada 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Wuxuu ugu baaqay ergada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan in Sabtida soo aaddan isugu yimaadaan degmada Jowhar si howlaha shirka loo sii amba qaado.

“Aniga oo ku hadlaya magaca IGAD waxaan u mahadcelinayaa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ururka xubin firfircoon ka ah, Afartii Sano ee lasoo dhaafay waxaan dowladda Federaalka kala shaqeyneynay sidii loo suurtagelin lahaa dhismaha gobolladan Soomaaliya oo aan u aragno inay tahay saldhigga Nabaddda iyo horumarka shacabka ku gaari lahaayeen, waxaan mar kale u mahadcelinayaa dowladda oo inoo wakiilatay inaan kala shaqeynno howsha dhismaha maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan”

“Muddo Labo bil ah ayaan howshaan wadnay, waxaan ku noqonoqonnay B/weyne, waan wada hadalnay Odayaasha B/weyne, waxaa inoo soo baxday in la suurtogelin karo in la dhiso Labadan gobol, waxaan rabaa in halkaan ka caddeeyo 5 arrin oo annaga na caawinaya, wax walbo oo Soomaaliya inay ka dhacaan la rabo hogggaamineyo dowladda Federaalka oo ah dowlad la aqoonsan yahay, wax walbo oo aan sameynayno in la xaqiijiyo in loo wada dhan yahay, muddo badan baan maqli jiray looma dhama ama waxbaa ka maqan, marka si loo ilaaliyo in arrintaasi dhacdo loo eego wax walbo oo la qabanayo dadka inay u dhanyihiin, in mar walbo la kaashado Dastuurka Soomaaliya, in laga wada midoobo sidii loo heli lahaa nabadgaalyo iyo kooxahan baneystay shacabka inay iska laayaan, waxaana looga hortagi karaa in la helo nidaam dowladeed oo ah gobollada hadda dhismaya iyo dowlad qaran oo kulli hoggaamineysa”

“Waxay nala tahay in lasoo gaaray inuu dhismo nidaamkan, arrinta Koowaad nidaamkaan waxa uu keenayaa nabadgalyo, sanadkaan beesha caalamka iyo Soomaalida guud ahaan waxay rajeynayaa in wadanka doorasho ka dhacdo, waa Labada gobol oo kaliya, Soomaaliya inteeeda wey jiheysatay, marka Labadaan gobol iney diyaar u noqdaan in si dhab ah doorashada uga qeybgalaan, intii aan howlahaan soo wadnay beesha caalamka waxay howlahaan la kaashanayaaan dowladda qaran iyo nidaamka gobolladan ka dhisan, gobol walbo oo Soomaaliya hadda soo dhismaya waxaa laga suurta gelinayaa 600 ciidan ah oo ammaanka suga, marka gobolladan ayaa dhiman, waana muhiim in si degdeg ah loo dhiso maamulkaan, maadaama waqti badan oo Labo ah qaadannay loona baahan yahay in nidaamkan si degdeg ah u dhisno waxaan rabnaa in 3-da bisha soo socota inaan ugu baaqno ergooyinka inay isugu yimaadaan magaalada Jowhar si loo billaabo wada hadal dhexdooda ah, waxaan rabnaa shacabka ku dhaqan Labadaasi deegaan inay isku yimaadaan oo maamulkooda dhistaan, waxaan kaloo rabaa in halkaan ka caddeeyo beesha caalamka guud ahaan waxay ka mideysan tahay in nidaamkaan dhismo,  guddi heer sare  ah ayaa la sheegi doonaa berri wixii ka billaawda kaa oo ka kooban IGAD, EU, UN, AU iyo dowladda federaalka, guddigaas ayaa nidaamkan iyo dhismaha maaamulkaan loo xilsaari doonaa kalana shaqeyn doona shacabka Labaadaasi gobol” sidaa waxaa shirka ka sheegay ergeyga IGAD ee Soomaaliya Afey.

Shirka waxaa kaloo ka hadlay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte isagoo ka hadlay dhameystirka maamul u sameynta shirka, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Maanta waxaa isugu nimid dib u billaaabistii maamul u dhisidda Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo dhameystiraya dhismaha maamul dhisidda qaran ee Saddexdii sano ugu dambeysay dowladda Federaalka wadday ayna ku dhismeyn maamullo badan sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iminkana dhismaya Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaan halkaan jeclahay inaan uga mahadnaqo doorka muhiimka ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiirkeeda ka qaateen arrimahan oo inoo suurtoowday maamul goboleedkii Galmudug iyo sida fiican usoo wadeen, sidoo  kale waxaan u mahacelineynaa urur goboleedka IGAD gaar ahaan wakiilkooda Soomaaliya oo halkaan inala jooga kana qeybqaadanayaan sidii ay u fududeyn lahaayeen wada hadallada la rabo in Jowhar ka billowdaan”

“Waxaan ognahay in aanay howl yareen marka wax la dhisayo, waa ay howlyar tahay in wax la dumiyo laakiinse dhismahaa adag, dhismaha maamulkaan aan rabno inaan dhisno waxaa loo baahan yahay in Ulajeed mideysan laga leeyahay taas oo ah inuu dhismo maamulka si markaa amniga iyo adeegga bulshada ee la gaarsiinayo dadka gobollada ku nool ay u suurta gasho, isku tanaasul inuu yimaado si loo gaaro ulajeedkaasi mideysan, waan ognahay in wax badan ay jirto in kala shaki iyo kalsooni darro jiraan, laakiin taa waxaa lagaga gudbayaa markii wuxu leeyihiin nidaam cad oo Odayaashii, siyaasiyiintaa iyo cid walbo ay ka qeybqaadaneyso, wuxuna wey cadyihiin, mana ahan  cid intey qol la gashay dhoodhoobeysa mana suurto galaysa, nidaamkan waa mid cad sidii loo  soo dhisay maamaulka Galmudug, waxana jeclahay in Labo arrin had iyo jeer madaxa ku hayno inay ka go’an tahay dowladda dhismaha maamulkan, waxaan  kaloo rabnaaa in mar walbo masxkaxda kuhayo in la tixgelinayo dadka ku nool halkaasi inay helaan codkooda, waxaan IGAD iyo wasaaradda arrimaha gudaha ku boorineynaa in howshooda sidii ay u sheegeen maalinta Sabtida ah billaabaan oo howsha si degdeg ah loo guda galo, maamulkana uu dhismo sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu hadalkiisa kusoo gabohgabeeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Waxgarad ku sugan gobolka Hiiraan ayaa horay u sheegay in aysan raali ka ahayn shirka Jowhar, waxaase jiray kulamo ay mas’uliyiinta dowladda iyo ururka IGAD la qaateen xubnaha si ay uga qanciyaan waxyaabaha ay diidanaayeen waxgaradkaasi.

Goobjoog News