U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Maanta Shir Uga Furmayo Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa maanta ka furmaya Wejiga Seddaxaad ee shirka wada tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Shirkaan ayaa looga hadli doonaa arimaha ku aadan hiigsiga 2016-ka, xilli madaxda dowladda iyo kuwa maamul gobaleedyada ay guud ahaantood ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.

Wejigii 1-aad ee Shirkaan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho February 6,  2015, waxaana laga soo saaray qodobo dhowr ah oo la’isku af gartay.

Wejiga Labaad ee shirkaan ayaa isna ka dhacay magaalada Garoowe Sabtidii  May 2, 2015, waxaana ka qeybgalay madaxda dowladda iyo maamul gobaleedyada.

Maanta oo ay tahay 13-ka September ayuu shirkaan ka furmayaa magaalada Kismaayo, waan wejigii Sedaxaad, waxaana xigi doonta magaalada Baydhabo oo iyana shirkaan lagu qaban doono sida qorshaha yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News