U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada Oo Kismaayo Ku Leh Shir Looga Hadlayo Hannaanka Federaalka

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose waxaa ka soconaya shir ballaaran oo looga hadlayo hannaanka Federaalka, kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arimaha guddaha xukuumadda Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay tagay magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi kusii sugnaa mas’uuliyiin ka socota wasaaradaha arrimaha gudaha ee maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shirkaan ayaa furmay maalintii shalay ahayd waxaana la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalinta Berri oo Talaado ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shirkan furay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Soomaalida ay wadatashato, islamarkaana dhammaan madaxda Soomaaliyeed sidaan oo kale iyaguna ay marbo magaallo ugu kulmaan.

Shirkaan looga hadlayo arrimaha Federaalka ayaa markii uu soo dhammaado waxaa laga soo saari doonaan waxyaabihii laga wada hadlay iyo sidoo kale waxa la’isku af gartay.

Goobjoog News