U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka iyo Odoyaal Dhaqameed ku Shiraya Beledweyn, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dowladda federaalka illaa iyo inta ay ka fulinayso ballantii ay wada galeen in aysan ka qeyb galaynin shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Jowhar ka furan.

Nabadoon Maxamed Sheekh Aadan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Baladweyne ay ka soconayaan kulamo u dhaxeeya ugaasyada beelaha iyo sidoo kale xubno ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Kulamadani ayuu sheegay in looga hadlayo sida ugu macquulsan oo waxgaradka diidan ka qeyb galka shirka looga dhaadhicin lahaa inay shirka ka qeyb galaan.

Nabadoonka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda ay odayaasha reer Hiiraan uga baxday ballan ay ku wada galeen magaalada Baladweyne, heshiiskaasi oo ay sheegeen inay wada gaareen iyaga iyo madaxweynaha dowladda iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Wuxuu sheegay in kulamada ka socda Baladweyne weli aysan ka soo bixin wax natiijo ah balse la filayo in qodobada labada dhinac ay isku afgartaan la shaaciyo.

Goobjoog News