U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Adkeysay Ammaanka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad usii adkeysay ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wixii ka dambeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Inkastoo kahor bisha Ramadaan ay ciidamo badan joogi jireen wadooyinka magaalada Muqdisho, ayaa hadana waxaa aad loo sii kordhiyay ciidamadaan iyo qaabka ay wax u baarayaan.

Isgoysyada magaalada Muqdisho guud ahaan waxaa ku sugan ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad sugid, kuwaasi oo baaraya gaadiidka isticmaalaya halkaasi.

Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho wax badan laga qabanayo, iyadoona lasii xoojiyay sugidda ammaanka inta bisha Ramadaan lagu guda jiro.

Howlaha ammaanka lagu xaqiijinayo waxaa sidoo kale gacan ka geysanaya ciidamada Booliiska AMISOM oo mararka qaar iyaguna lagu arkayo wadooyinka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News