U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Adkeysay Amniga Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad u adkeysan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, xilli lagu guda jiro u dabaal degga Ciidul Fidriga.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u badan oo isugu jira Booliis iyo Nabad Sugid, kuwaasi oo la socda dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Isgoysyada magaalada Muqdisho oo horay ay ciidamo u joogeen, ayaa hadana u muuqda kuwo intii hore laga soo badiyay.

Sidoo kale wadooyinka ayaa lagu arkayaa gaadiidka Booliiska oo Kormeer, ama Roondo sameynaya.

Meelaha ay shacabka ku dalxiisayaan waxaa ku sugan ciidamo amniga suga, waxaana, ay ciidankaasi kala hagayaan gaadiidka goobahaasi taga.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka, waxaa maalintii Labaad aad looga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul Fidriga, waxaana shacabka ay yihiin kuwo ku faraxsan in ay helaan magaalo nabad ah oo ay ku damaashaadi karaan.

Goobjoog News