U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Baaraysa Dareere Waxyaabo Badan Loo Adeegsan Karo Oo Ciidanku Qabteen

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay baaritaan ku sameyn doonto dareere shalay ay ciidamada ammaanka ku qabteen howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodon.

Dareerahan ayaa ku jira ku dhawaad 55 fuusto, waxaana lala qabtay qaar ka mid ah dadkii waday iyo sidoo kale maandooriyeyaal.

Waxa uu sheegay Xeer ilaaliyaha in dareerahan weli aanay ku sifeen karin inuu yahay qamri, balse dowladda ay waddo baaritaan dheeraad ah.

“Waxaan maanta halkaan u nimid inaan aragno qalab runtii shaki badan leh oo ulajeeddo badan yeelan kara oo howlgalkii ay sameynayeen hay’adaha amnigu ay ku guuleysteen inay soo qabtaan, sida aad arkeysaan illaa 55 fuusto ku dhawaad oo aan dhihi karin qamri ayeey soo qabteen oo waxa ku qoran ayaa ah Ethanol waxaa loo isticmaalaa shidaal ahaan, waxaa loo isticmaalaa qaraxa inuu baaho oo dhibaato badan geysto, wey isticmaali karaan dadka Drugs isticmaala marka ulajeeddo badan buu yeelan karaa waxbo kama hordhacayno baaristu wey socotaa, qalabkii oo dhan waa lagu soo guuleystay, dadkii gacanta dowladda ayeey ku jiraan, waana lagu raadjoogaa cidda kale ee arrintaan lug ku yeelata” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Sidoo kale Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dareerahan ay qabteen ay u dirayaan sheybaar islamarkaana lasoo cadeyn doono waxa uu ka kooban yahay, islamarkaana sharciga la horkeeni doono cid walbo oo arrinkaasi ku lug yeelata waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka ayuu ku amaanay qaabka ay howlgalkaan u sameeyeen iyo sidoo kale wada shaqeynta buuxda ee ay la sameeyeen dadka shacabka ah oo uu tilmaamay in xogta qabashada walxahan ay dhankooda ka timid.

Goobjoog News