U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Cambaareysay Qarax Shalay Ka Dhacay Dalka Turkiga

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkaasi.

Warsaxaafedeedka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Goobjoog News ayaa sidan u qoran:-

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka argagaxiso ee ka dhacay caasimadda Ankara shalay galab , kaasoo sababay geerida 34 ruux oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan , halka tira intaa ka badan ay ku waxyeeloobeen.

Waxaa dhab ah , in argagaxisadu ay u beegsaneyso dadka rayidka ah si bahalnimo ah oo marna aan cafis geli karin, waa tilmaan weyn oo tusineysa heerka ay ka gaareen bani’aadanimo-xumo iyo xushmad darro .
rabshad kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah waxaa loola jeedaa in la aragagaxiyo iyaga iyo qarankooda , gebi ahaan waa wax baas oo shar ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag uga shaqeyneysaa dhabar-jebinta argagaxisada gudaha xuduudeena iyo gobolka intiisa kale . argagaxisadu waa goodin khatar ku ah dunida, oo si adag u saameeyay muwaadiinta Soomaaliya iyo Turkiga , sidaa darteed waxaan barbar taagannahay,isbaheysina la nahay Shacabka walaalaha iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkey . waxaan la qeybsaneynaa tiiraanyada iyo dhibta gaaray saacadahaasi mugdiga ah.

Waxaan tacsi u direynaa qoysaska,saaxiibada iyo kalgacalka dhammaan dhibanayaasha rayidka ee uu saameeyay falkaasi murugada leh ee sharta ahaa, weerarada argagaxisada ee aan macnaha laheyn marna tabar darri iyo qeybsanaan uma keeni doonto Turkiga, ee waxa ay xoojin doontaa midnimada , duniduna waxa ay u taqaan falkaasi dambi weyn oo argagaxiso ah .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la leedahay Jamhuuriyadda Turkey xiriir laba geesood aad u xoogan , waxa aanu hiigsaneynaa iskaashi balaaran oo dhinacya badan leh oo labada dal dan wadaag u ah oo ay ka mid ah tahay amniga .

Dhamaad