U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Dowladda Belgium Ugu Baaqday In Ay Sii Deyso Madaxweynihii Hore Ee Ximan Iyo Xeeb

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Belgium in ay sii deyso madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey iyo ganacsade Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo Muddo Laba Sano ah ku xiran dalkaasi.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo hadal ka jeediyay munsaabadii Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ee Shalay ka dhacday magaalada Cadaado, ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay ugu baaqayaan dowladda Belgium in ay xurriyooda dib u siiso muwaadiniintaasi Soomaaliyeed, maadaama hadda aysan soo bandhigi dambi ay ku haystaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka dalbanayaan  Dowladda Belgium in ay sii deyso muwaadiniintaasi Soomaaliyeed, ama ay cadaaladda degdeg ku hor keenaan.

Xilliga uu wasiirka baaqaan diraya ayaa madasha xafaladda ka dhaceysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin badan oo qaarkood dalal reer Yurub ah ka socday.

Dowladda Belgium ayaa garoonkeeda ku xirtay  madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey iyo ganacsade Maxamed Cabdi Xasan Afweyne 14-kii October 2013, mana jirto illaa iyo hadda wax maxkamad ah oo lasoo taagay si loo cadeeyo waxa lagu haysto.

Goobjoog News