U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Goobjoog Uga Jawaabtay Warbixinta 100-ka Maalin Ee Amniga iyo Safarrada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa si aad ah u difaacday howlihii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qabtay 100-kii maalmood ee ugu horeysay.

Iyada oo ka jawaabaysa safarrada madaxweyne Farmaajo ee dibadda ah, dowladda waxaa ay sheegtay in booqashadaasi uu madaxweynaha Soomaaliya ku tagay 9 dal aaney muhiim u aheen oo keliya xiriirka labada dhinac balse ay calaamad u tahay in Soomaaliya oo ka soo dhex muuqatay beesha caalamka.

Dhanka amniga, dowladdda Soomaaliya waxaa ay soo qaateen arrimo caddeyn u ah in wax badan laga qabtay ammaanka dalka iyo in maaliyad loo helay qorshaha amniga qaran kaas oo wax badan ka badali doona dib u soo kabashada ciidamada qalabka sida iyo qaabkii AMISOM dalka uga bixi laheyd dhammaadka 2018-ka.

Goobjoog News waxaa ay weydiisay dowladda ahmiyadda ku jirtay in madaxweyne Farmaajo uu 100 maalmood gudahood 9 safar galo oo ay ku jirtay Labo jeer oo dalka Sacuudiga ah xilli dalka uu ku jiro dagaal iyo abaar.

“8-da February waxaa is badalay sida caalamka u arko Soomaaliya, xilligan la joogo caalamka indhaha ayuu ku hayaa Soomaaliya, Madaxweynaha waxaa uu casuumaad rasmi ah ka helay dalal badan oo caalamka ah, waxaan u aragnaa in safarradaasi ahaayeen kuwoo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaas, madaxweynaha safarradaas waa ku qasbanaa, xitaa waad og tihiin mid ka mid ah safaradaas waxaa uu gaabiyay markii wasiir la dilay” sidaasi waxaa tiri dowladda.

“Mar kale, Booqashooyinkan waxaa ay ahaayeen muhiim, madaxweynaha waxaa uu deeqo u soo helay abaaraha, tusaale ahaan Imaaraadka waxaa uu bixin doonaa 65 Milyan oo Dollar halka Sacuudiga iyo Qatar ay hadda shaqo badan ka qabteen abaarta saameysay shacabka Soomaaliyeed” ayey intaa ku dartay.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee gaar ahaan dalalka Khaliijka waxaa ay dowladda Soomaaliya ka tiri:

“Booqashada madaxweynaha gaar ahaan kuwa uu ku tagay Khaliijka waxaa ay horseedeen su’aallo ku saabsan geo-political, sida dalka Sacuudiga Carabiya waxaa ay ballan-qaadeen in ay la bar bartami doonaan dalka Turkiga oo haddii Airport dhisaan iyaga dhisi doonaan haddii ay waddo dhisaanna uu Sacuudiga waddo dhisi doono…arrintaas intii la dhihi lahaa waxaa loo tartamaa Soomaaliya, sow lama dhihi karo waa aragtida cusub ee madaxweyne Farmaajo ee arrimaha dibadda”

Shirkii London oo ka mid ahaa mid ka mid ah booqashooyinka ugu muhiimsanaa ee Madaxweyne Farmaajo, 42 dal ayaa taageeray qorshaha amniga ee dowladda iyaga oo ballanqaad lacageed sameyn doona shirka soo socda ee October.

Sidoo kale Soomaaliya iyo beesha caalamka waxaa ay ku heshiiyeen Heshiiska cusub kaas oo u saldhigay sida Soomaaliya iyo dunida inteeda kale u wada shaqeyn doonaan kadib barnaamijkii New Dealka.

Qorshaha Qaran waxaa ay dowladda ka tiri “Qorshaha Qaran ee dowladda  waxaa la dhacay beesha caalamka, taasi waxaa ka dhashay in midowga Yurub iyo wasiirka qorsheynta kala saxiixdaan Projectiyo muhiim ah.

Goobjoog News waxaa ay diiwaangelisay dhimashada  415  iyo dhaawacyo muddadii 100-ka maalmood aheyd, Jawaabta ay dowladda federaalka ah bixisay ma dul istaagin tirada khasaaraha balse waxaa ay xoogga saartay arrimaha ay qabatay howlgalladii dhacay, dadaallada amniga lagu sugaayo ee la sameeyay iyo qorshayaasha amni.

“Madaxweynaha markii la doortay kadib waxaa uu xoogga saaray amniga, wax badan ayaa laga qabtay, Al-shabaab waxaa ay og yihiiin in madaxweynaha uu taageero ka heysto shacabka, taasi waxaa ay sababtay in ay Labo jibbaaraan weerarrada lagu bartilmaameedsanayo rayidka iyo maatida, waa arrin la filayey, taasi oo keentay in madaxweynaha uu ku dhawaaqo xaalad dagaal”.

Dowladda Federaalka ah, waxaa ay sheegtay in ay haboon tahay in 100-ka maalmood laga bilaabo 1-da April oo ah maalinta uu baarlamaanka ansixiyay xukuumadda, Muddadaas gaaban xukuumadda waxaa ay qabatay:

  1. Heshiiska Amni ee ay ku heshiiyeen dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.
  2. Heshiiska amni ee lagu meelmariyay London 11-keeda, kaas oo taageero ka helay beesha caalamka.
  3. Heshiiska Xasilinta Muqdisho oo ay xukuumadda meelmarisay 11-kii May.
  4. Ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 1500 kuwaas oo tababar loo siiyay xasilinta magaalada Muqdisho..sida aad arkeysaan Ramadaankan waxaa uu ka nabad badan yahay kuwii hore, waxaa mahadeeda leh ciidamada isku dhafka ee wada howlgallada joogtada ah.
  5. Al-shabaab waxaa Shabeellada hoose looga dilay hoggaamiye
  6. Hoggaamiyihii Al-shabaab ee Mudug waxaa uu isku dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.
  7. Saraakiil badan ayaa Al-shabaab si joogta ah uga soo goosta.
  8. Markii ugu horreysay waxaa ay dowladda bixisay mishaaraadka ciidanka January- April
  9. Waxaa la dhisay gole amni qaran oo ay qeyb ka yihiin maamul goboleedyada.

Goobjoog News ayaa dowladda hordhigtay baaritaan ay ku ogaatay in dowladda aaney wax ka qaban goobihii iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Muqdisho ka dhacay, taasi oo ka hor imaaneysa ballan-qaadkii uu u sameeyay madaxweyne Farmaajo doorashada ka hor, su’aashaasi waxaa ay dowladda uga jawaabtay.

“Ma jiro Hotel la weeraray laga soo bilaabo February 8, dhammaan weerarada waxaa loo geystay dad rayid ah, dowladdana waa ku howl jirtaa wax ka qabashada, Cidna ma hor istaagi karto qof is qarxinaya, laakin waxaa aan hubnaa in aan wax ka qaban doono si aan u istaajinno in caruuurta yaryar aan maskaxda laga xadin.

Qorshaha xasilinta Banaadir waxaa ay dowladda ka tiri “waxaa uu qeyb ka yahay qorshaha amniga qaranka, taasi ayaa keentay in Muqdisho ay tahay nabad marka la barbar dhigo sanadihii hore. Dowladda federaalka ah waxaa ay xirtay dal daloolladii jira iyo musuqii baahsanaa, waxaa ay kor u qaaday dakhliga canshuuraha taas oo keentay in dakhli iyo maalgelin loo helo qorshaha xasiloonida gobolka Banaadir.

Goobjoog News