U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Qaraxii Shacabka Ku Dhammaadeen Ee Ka Dhacay Lafoole

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa  ka hadashay Dadkii ku dhintay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo qarax miino uu kula kacay Deegaanka lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh maxamuud oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xun yihiin dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed la kulmayaan.

“Saakay waxaa qarax lala eegtay gaari ay dad shacab ah ay saarnaayeen, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Aabe iyo Saddex Caruur ah oo uu dhalay si nabad ahna ku socday, ilaah ayaan uga baryeeynaa inuu mariyo dadka sidan sameeyay ciqaab adduun iyo mid aakhiro” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada ammaanka aysan ka daali dooni inay la dagaallamaan Al-shabaab, islamarkaana ay ka shaqeeyaan nabadda dalka.

Saakay waabarigii gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa qarax waxa uu ku haleelay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan 15 qof oo dhammaantood shacab ahaa.

Goobjoog News