U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Ka Warbixisay Khasaarihii Ka Dhashay Dagaalkii Halgan Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay khasaarihii ka dhashay dagaal saakay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

War-saxaafadeed: Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha oo shir Jaraa’id qabtay  kadib weerarkii khasaaraha badan ka soo gaaray kooxda Al-shabaab ee ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, ayaa ka warbixiyay sidii ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay weerarkii fashilmay ee saakay subixii hore ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay deegaanka ku lahaayeen Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia uu jab xoogan ka soo gaaray Al-shabaab, wuxuna tilmaamay in qorshuhu ahaa sidii ay horey u sameyn jireen in ay dhibaato xoogleh gaarsiiyaan Ciidamadda AMISOM, balse ay ciidamaddu u diyaar sanaayeen ka hortagidda weerarada cadowga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in weerarkii saakay  lagu dilay in ka badan 120 dagaal yahan, laguna qabtay hubkii ay wateen oo isugu jirey qoryaha fudud iyo kuwa daran-dooriga u dhaca.

“Abaare shantii aroornimo ee saakay Ciidamadda AMISOM ee Ethiopia fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ayaa waxaa weerar qorshaysan ku soo qaaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday Qaraxyo kadibna dagaal toos ah ayuu isu badelay, inta hadda naloo xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay 120 dagaal yahan oo ka tirsan Nabad-diidka, waxaa sidoo kale la qabtay hubkii ay wateen. Dhanka Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaaliya waxaa la xaqiijiyay 10 askari in ay ku dhinteen.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka ayaa xusay  dagaalkii saakay dhacay oo ay ka qeyb qaateen Ciidamadda Dawladda Soomaaliya ee deegaanka fariisinta ku leh in kooxaha nabadda diidan khasaarihii ugu ballaarnaa muddooyinkan uu ka soo gaarey, isla markaana Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii xoojin doonaan bishan barakeysan ee Ramadan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. 

 —DHAMMAAD—-