U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Ku Baaqday u Gurmashada Shacabka Ku Sugan Deegaannada Dalka Ee Abaarta Ka Jirto

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, maadaama dad badani ay dhibaato nololeed soo wajahday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo deg-deg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

“Biyo yaraan iyo abaaro baahsan ayaa goobo badan oo dalka ka mid ah ka jira, Xaaladdu waxaa laga yaabaa inay soo yara fiicnaato marka ay roobabka bilowdaan bisha soo socota ee April, balse inta ka horreysa waa in muhimadda koowaad iyo awoodda jirtaba la isugu geeyaa dadka tabaaleysan, iyadoo loo eegayo degaannada sida ay u kala daran yihiin’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka iyo dowladda ka sokow, shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta laga doonayo in ay u naxariistaan walaalahooda ay xaaladdan adag la soo gudboonaatey.

Goballada waqooyi ee dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, halka goballada Koonfureed iyo qaar ka mid ah gobollada dhexe ee dalkana ay xilligaan ka jirto biyo la’aan baahsan.

Goobjoog News