U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo La Dhaliilay

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Hore xuseen Geeddi Jimcaale oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in weli ay jiraan beello degan gobalka Galgaduud oo heshiis la kala dhexe dhigin, isaga oo ku baaqay in dib loogu laabto shirka dib u heshiisiinta ah ee gobalkaasi.

Mudanaha ayaa sheegay in beelaha qaar ay weli heshiinn, sida kuwa kala degan deegaanada Bacaadweyn iyo Camaara, isaga oo tilmaamay in shirkii Dhuusamareeb uu u muuqday mid qabyo looga tagay, taasna mas’uuliyadeeda uu dusha u saaray dowladda Federaalka.

“Beelo ahaan waa la’iska arkay qaarkoodna heshiis mid ah ayeey wada gaareen, waxaase dhiman kuwo kale oo illaa iyo hadda aan heshiin, waxaa loo baahan yahay dhaqaale xoogan, waxaa la rabaa in heshiisyada la dhaqaajiyo, dadka la’isugu keeno” ayuu yiri Xuseen Geedi

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa tilmaamay in dowladda ay ka gaabisay qorsheyaashii dhankeeda laga sugaayay ee ahaa in ay gadaal ka riixaan heshiisyada dhacay, isaga oo tani si gaar ah ugu eedeeyay cid walba oo dowladda taasi wakiil uga ah.

“Dowladda waan la hadalnay, ma jirto wax jawaab ah oo nala siiyay, anaga hadaan nahay beelihii deganaa gobalka waan is fahamnay laakiinse weli waxbaa dhiban, meelaha qaarna waxaa looga baahan yahay in heshiisyada laga dhaqan geliyo, dowladdana wey naga sii jeedaa” ayuu mar kale yiri Xuseen Geedi Jimcaale.

Degmada Dhuusamareeb waxaa dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha degan gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana shirkaasi ka qeybgalay wax garad ka kala yimid degmooyin badan oo gobaladaasi ka mid ah.

Goobjoog News