Dowladda Federaalka oo La Xiriirtey Wakaaladda Hubka Nuyuukleerka Adduunka !

Wasiirka batroolka iyo macdanta dowladda federaalka Maxamed Muktaar ayaa oo ka hadlay arrimaha maacdantaa ayaa sheegey in Soomaaliya ay wadahadal la gashay wakaaladda hubka nuyuukleerka ee Qaramada Midoobey ee IAEA si macdanta Yuraaniyuumka (Uranium) oo hubka halista ah lagu sameyn karo aysan gacanta u galin dad dambiilayaal ah, kadibna ay isku afgarteen in hawl laga galo.

Wasiirka oo la hadlayay taleefishinka Universal ayaa sidoo sheegeyin dowladda ay wadahadal la gashay hey’adda UNDP taasi oo uu wasiirka sheegey in ay heyso xogta ku saabsan macdanta ku jirta Soomaaliya maadaamaa intii u dhaxaysay 1965-tii illaa 1975-tii ay hey’addani dalka ka qabatay hawlo baaris iyo sahan ah, dowladdana dooneyso in xogtaasi lagu wareejiyo.

Waxyaabaha ay dowladda ku hawlantahay ee kale ayaa waxaa ka mid ah sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa sharcigii macdanta ee 1984-tii la qorey, loona waafajin lahaa duruufaha dalka ka jira hadda.

Wasiirka Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa dhanka kale sheegey in wasaaradiisa ay wadahadal la gashay maamul goboleedyada sida Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, la’iskuna afgartay in la dhiso guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii loo diyaarin lahaa heshiis dalka oo dhan ka dhaxeeya oo lagu qeybsanayo kheyraadka dalka, guddigaasina uu dhawaan hawlgali doono.

Hadalka wasiirka ayaa waxa ay ka dambeysey kadib markii sanadkii hore ay soo shaac baxeen warar sheegaya in shirkad lagu magacaabo Kiliminjaro ay macdanta Uranium-ka ka baareyso godad ku yaala Afgooye iyo Qoryooley, balse dowladda ayaa xiligaasi beenisey in shirkad ceynkaasi ah ay wax qandaraas ah la gashay.

Goobjoog News

 

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW