U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Lagu Dhaliilay Ka Gaabinta Wax u Qabashada Soomaalida Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka in ay ka gaabisay wax  u qabashada Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Nabadoon Cabdiraxmaan Santuur Macalin Ibraahim oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan dhibaatooyin adag oo ku heysta dalka Yemen oo dagaallo xoogan ka socdaan.

Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay ballanqaadyo oo kaliya  sameysay hase yeeshee weli aan laga heynin ficil dhab ah oo qoysaskaasi Soomaaliyeed ugu gurmanayso.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aysan walaalhooda Yemen iyo Kenya ku dhibaateysan aysan ku haleynin dowladda, balse ay doorkooda ka qaataan.

Nabadoonka ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed hadii lacago yar isku daraan in dhamman dadka Yemen ku dhiban dalka la keeni karo.

“Hay’ad ama shaqsiyaad kale inta wax laga sugi lahaa waxaa igala wanaagsan in shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan, islamarkaana u istaagaan sidii ay walaalahooda ugu gurman lahaayeen” ayuu yiri Nabadoon Santuur.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaa qaxooti ku ahaa, hase ahaatee aysan hadda hayn meel ay naftooda ku badbaadsadaan ka dib dagaallo halkaasi ka dhacay.

Goobjoog News