Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Gaabisay Wax u Qabashada Soomaali Ku Xiran Xabsiyada India

Ehlada qaar ka mid ah  dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka India ayaa sheegay in illaa hadda Dowlada Federaalka Soomaalia gacan aysan ka gaysan sidoo loo sii deyn lahaa wiilashooda.

Qadro Cabdi  Nuur oo ka mid ah Ehladaas ayaa  u sheegtay Goobjoog FM in  wiil uu la dhashay uu ka mid yahay dadka ku dhibaateysan xabsi ku yaalla Dalka India.

Waxay tilmaantay inay shaqsi ahaan tagtay dalka India iyadoo aan cidna ka aqoon, ugu horeen ay u tagtay safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaasi, balse ay weysay cid caawisa gacmo maranna ay halkaasi kaga soo tagtay.

Qadro ayaa sheegtay in markii safaaradeedii ay caawinaad ka weysay ay isku dayday inay soo aragto wiilasha Soomaaliyeed ee ku xiran dalkaasi, waxaana ay tilmaantay in xaaladooda ay aad u adag tahay.

“Maxkamadda sare ee India ayaan tagay laakiinse waxaa nasiib darro ah in aan weynay cid sheeganeysa dowladda Soomaaliya oo na caawisa, waxay inoo sheegeen in wax walbo ay fudud yihiin laakiinse ay muhiim tahay in la helo cid dowladeenna ka socota” ayeey tiri Qadro.

Sidoo kale Qadra ayaa hadalkeeda ku dartay “Safaaradda wiilal ku dhintay xabsiga oo Labo ah ma aysan aasin oo maalmo badan ayeey ku jireen qaboojiyaha Isbitaalka, waxay ku leeyihiin annaga shaqadeena hana barina, safiirka lama arkayo dhammaantood meesha dano gaar ah bay u joogaan, xitaa waxay diideen inaan qabsanno qareenno, ajaaniibtii ayaa inoo damqaneysa dadkii mas’uulka inooga ahaa Indiana waxay noola dhaqmayaa sida shisheeye”

Waxay aad ugu celcelisay Qadro in nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed ee hadda ku xiran dalka India ay xaaladoodu halis tahay, ayna la yihiin cid caawisa oo gacan ka siisa Soomaalida ku dhibban xabsiyada India.

Ugu dambeyn Qadro Cabdi  Nuur ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay degdeg wax ugu qabato muwaadiniinta ku xiran xabsiyada India oo u baahan caawinaadooda.

Goobjoog News

Related Articles

15 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW