Dowladda Federaalka Oo Lagu Wareejiyay Amniga Guud Ee Magaalada Dhuusamareeb

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa  Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began  tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb.

Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana  Amniga Gudaha  ay la wareegi doonaan  Ciidamo Gaar ah oo Dowlada  DFS u diyaarisay.

Goobjoog News

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW