U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Dardargelinta Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka gobalka Shabeellaha Dhexe kasoo jeeda ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News in magaalada uusan ka socon wax shir maamul u sameyn ah.

Nabadoon Axmed Maxamed Xaaji ayaa sheegay in magaalada Jowhar shir la isku waafaqsan yahay uusan ka socon balse ay jiraan shirar magaalada lagu qabto.

Waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka inay dardargeliso shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Jowhar.

Shirkaan ayaa waxaa weli lagu guuleysan in laga soo qeyb galiyo qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka beelaha goballadaasi oo ku sugan magaalada Baladweyne kana biyo diidan ka qeyb galidda shirka.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay shirka maamul u sameynta la dedejiyo, maxaa yeelay muddo ayaan fadhinnaa Jowhar wax shir ahna ma aynu arag” ayuu yiri nabadoonkaasi.

Dhanka kale, Nabadoon Axmed Muxumed ayaa ka hadlay fatahaadaha uu wabiga Shabeelle ka geystay degaanno ka tirsan gobalka Shabeellaha Dhexe oo saameeyay nolosha kumanaan qoys.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Hay’adaha samafalka inay gargaar beni’aadanimo la gaaraan dadkaasi dhibaateysan ee saameynta ay ku yeelatay fatahaadda wabiga Shabeelle

Goobjoog News