U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay u Gurmashada Soomaalida Yemen

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan idiris Xasan Faarax oo ku sugan dalka Finland ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in degdeg ay dalka ugu soo celiso qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan ka hor inta aysan kasii darin xaaladda dadkaasi.

Idiris ayaa sheegay in dalka Yemen hadda meel dhexe uu marayo, ayna dhici karto in xaaladda ay gaarto meel doon yar xitaa aan loo diri karin.

Waajibka ugu horeeyo ee badbaadinta ayuu ku sheegay Idiris in uu saaran yahay dowladda Federaalka ah, sidoo kalena shacabka iyaguna laga doonayo in ay is xilqaamaan oo walaalahooda dhibban u gurmadaan.

“Cid walba oo Soomaaliyeed mas’uuliyad ayaa ka koreysa badbaadinta dadka Yemen ku sugan, dowladda ayaa ugu horeysa oo laga doonayo in tallaabo degdeg ah ay qaado, xaaladda Yemen wey kasii dari kartaa” ayuu yiri Idiris.

Dalka Yemen waxaa ku sugan Qaxooti badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi ay ku hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxaana ay u baahan yihiin in loo gurmado.

Goobjoog News