U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Muranka Hareeyay Maamul u Sameynta Sh/dhexe Iyo Hiiraan

Sheeko:Dalka

Falanqeeye arrimaha Siyaasadda ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya uga baaqay wax ka qabashada  muranka xiligan hareeyay maamul u samaynta Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, kaas oo ka dhashay Guddiga Farsamada Maamul u samaynta gobaladaasi.

Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo lafa gura arrimaha Soomaaliya ayaa u sheegay Goobjoog News isaga oo ku sugan dalka Finland in Dowladda looga baahan yahay in xal deg deg ah u raadiso habka loo samaynayo Maamulka lagu midenayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu  carabka ku dhuftay in hadii Labadaan Gobol cagta ay saaraan wadadii fashilaadda suurtagal ay tahay in Dowladdu ay ku guul daraysto wax ka qabashada arrimo badan oo ku hor gudban Dowlada Federaalka ah.

“Waxaa wanaagsan in Dowlada Federaalka ay waddo sax ah u marto Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana ay wada qancisaa shacabka ku nool Labada Gobol oo ah kuwo is raaci kara” ayuu yiri  Caalim

Sidoo kale Caalim waxa uu  hoosta ka xariiqay in  Guddiga Farsamo ee Maamul u samaynta Labadaas Gobol ay ku haboon tahay in laga dhigo tiro  ahaan 25 ilaa 30 taas oo uu yiri waxa ay xal u keeni kartaa muranka ku saabsan midaynta Labada Gobol.

Waxa uu ku taliyay Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo Dowlada  Finland kala  taliyaha arrimaha Soomaaliya in aragti ahaan uu qabo in marka la magaacabo Guddi farsamo ay haboon tahay in la dhiso Guddi kale oo ka shaqeeya arimaha farsamada.

Si kastaba hadalkaan ayaa imaanaya xili Wasaarada arimaha Gudaha ay Magacowday Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe , kaas oo siyaasiin badan oo ka soo jeeda gobaladaasi muran ay ka  keeneen.

Goobjoog News