U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Loogu Baaqay Xoojinta Xiriirka Dowlad-goboleedyada

Sheeko:Dalka

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in ay ammaanka la wareegaan marka ay baxaan ciidamada AMISOM, waxaa jira dadaallo ay dowladdu waddo oo ah in ciidamada Soomaaliyeed dib u dhis lagu sameeyo si ay u hantaan ammaanka dalka.

Siyaasiyiinta ayaa sheegaya in ay muhiim tahay in la helo ciidan qaran oo badali karo AMISOM dalkana wax badan ka qaban karo, siyaasiyiinta ayaa xusan in arrinkan lagu gaari karo Dowladda dhexe iyo Dowlad-goboleedyada dalka in ay isku meel uga soo jeestaan siyaasadda dalka.

Cawil Maxamed Meyre oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa sheegay in helitaanka ciidan qaran ay waxbadan ka horreeyaan balse muhiimadda ay tahay in laga maarmo ciidamo shisheeye.

“In Ciidan qaran oo Soomaaliyeed laga soo qoraa dhammaan deegaannada dalka, si ciidankaas uu u ahaado ciidan namatalo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegayaan ammaanka dalka.

Goobjoog News