Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In Dib Loo Dhisayo Maktabaddii Qaranka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe dib loogu dhisayo makatabaddii qaranka oo ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo xiray Carwada Labaad ee Bandhigga Buugaagta Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in hadda ay diyaariyeen qarashe badan oo uu sheegay in lagu dhisayo goobo lagu weyneyno Hidaha iyo dhaqanka, laguna dhisayo maktabado cusub.

“Makatabadii Qaranka ee magaalada Muqdisho dhismaheedi ku yaalla laguna wareejiyey jiingadaha si loo dayactiro waa la dhisayaa waana la furayaa, kuwo kale oo bandanna magaalada Muqdisho waan ka fureynaa, magaalada Muqdisho waxaa ku yaalla Iskuullo laga billaabo fasalka Kowaad illaa kan 12-aad oo Hal, Labo iyo Sadedex ka badan, maanta wixii ka horreeyay mushkilado ka xanuun badan ayaa na hayey ballaarinta Maktabadaha, laakiin hadda waa la ballaarinayaa, Muqdisho iyo dalka oo dhan”

“Barnaamij ayaa hadda socda, Lacago Kaalmo ah oo la isku geeyay illaa 50 Milyan oo doolar meel u taallo oo dib loogu hagaajinayo tacliinta guud ee dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ma aanu jirin madbacad qaran oo ay ka faaa’ideystaan shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW