U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Sheegtay In Muqdisho Laga Billaabayo Howlgallo Amni Xaqiijin Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan maamulka gobalka Banaadir ayaa sheegay in la billaabayo dhaq dhaqaaq lagu doonayo in wax lagaga bedallo amniga magaalada Muqdisho, kadib markii magaalada ay ka dhaceen weerarro ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa lagu dhawaaqay howlgal lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho, kaasi oo si wadajir ah u fulinayaan ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladda Federaalka sida uu sheegay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkaan uu noqon doono mid ciidamada amniga ay guri guri uga sameyn doonaan, islamarkaana lagu soo qaban doono cid walba oo amniga wax u dhimaysa.

“Howlgalkaan la doonayo in laga sameeyo guud ahaan magaalada Muqdisho laguna baarayo guri guri waa mid ay wataan hay’adaha amniga gobalka Banaadir, magaalada oo dhan ayaa loo baari doonaa gur guri, cadowga umadda Soomaaliyeed si aanu ugu dhex dhuuman, waxaan rabnaa in la xaqiijiyo magaalada inay tahay mid ka nabdoon cadowgaasi, magaallo laga ciribtiray dhammaantood, waana howlgal ay iska kaashan doonaan dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobalka Banaadir, waxaana hormuud ka ah hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.

Ciidamada dowladda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, iyadoo guud ahaan isgoysyada magaalada ay deggan yihiin ciidamo amniga sugaya.

Goobjoog News