U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Sheegtay Inay La Socoto In Itoobiya Ay Wabiga Shabelle u Leexisay Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka warhayso in dowladda Itoobiya ay deegaanno cusub u leexisay Wabiga Shabelle si biyuhu ay dhul badan u gaaraan.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in gudaha Itoobiya laga leexiyay Wabiga taasina xilli hore jirtay balse biyo la’aanta ka jirta Wabiga aanay ku sifeyn karin sababteeda leexinta biyahaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay qorsheenayso in dowladda Itoobiya ay kala hadasho Isticmaalka Wabiga maadaama Labada dal uu ka dhaxeeyo, islamarkaana ay jirto shuruuc caalami ah oo arrimahan ka deggan.

“Illaa hadda waxaa la ogyahay waxa weeye in laga leexiyay wabiga si dhul badan u gaaro wadanka Itoobiya gudahiisa oo dhul badan la gaarsiiyey, laakiin ku tala galku wuu jiraa sida shuruucda caalamiga qabto in laga heshiisyo sida loo isticmaalayo biyo wadamo isaga kala gudba, muddo ayeey leexsaneyd laakiin biyuhu wey ina soo gaari jireen, Abaarta Itoobiya ayaaba inooga horreysay, waxaan dhihi karaa tani waa musiibo caalami ah, laakiin in mar walbo aan ka wada hadalno dowladda Itoobiya sidii aynu ku isticmaali lahayn biyaha qorshaheena wuu ku jiraa” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxaa dhawaan biyo yareeyay Wabiga Shabelle kaasi oo saameyn ku yeeshay dad badan oo biyahaasi ku tiirsanaa, inkastoo shalay lasoo sheegayey in deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan ay biyuhu yimaadeen.

Goobjoog News