U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Sheegtay Inay u Gurmaneyso Dadka Abaarta Ku Hayso Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u gurmaneyso dadka abaartu ay ku hayso gobollada Waqooyi ee dalka, maadaama ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in dadaal xooggan ay dowladda ugu jirto sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaartu ku habsatay.

Waxa uu tilmaamay in hadda meelaha uga daran ay tahay gobalka Awdal oo Somaliland ay maamusho, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in halkaasi ay dowladda gurmad geyn doonto.

“Waxaa la ogyahay in meello badan oo dalka ay abaar ka jirto meelaha ugu daran waa gobollada waqooyi gaar ahaan Galbeedka Somaliland oo la doonayo inaan gurmadka gaarsiinno sidii iyagaba 2011-kii ay halkaan ugu soo gurmadeen, gacanta ugu horreyso waxaan jecelnahay inaan gaarsiinno gobolka Awdal, waxa aan wadno siyaasad ma ahan ee waa badbaadin qof baahan oo Soomaali ah, waxaan rajeynayaa in Soomaalida ay isku gurmato, Somaliland ay aqbasho arrinkaasi” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhinaca kale wasiir Maareeye ayaa mar uu ka hadlayey biyo xireennada Itoobiya ay ka sameysatay gudaha dalkeeda ayuu sheegay in ay maqleen warar sheegaya in biyaha Wabiga dhul badan loo leexiyey, balse aanay sheegi karin sababta Wabiga uu la biyo yareeyay inay taasi tahay.

“Illaa hadda waxa la ogyahay waxa weeye in laga leexiyay wabiga si dhul badan u gaaro wadanka Itoobiya gudahiisa oo dhul badan la gaarsiiyey, laakiin ku tala galku wuu jiraa sida shuruucda caalamiga qabto in laga heshiisyo sida loo isticmaalayo biyo wadamo isaga kala gudba, muddo ayeey leexsaneyd laakiin biyuhu wey ina soo gaari jireen, Abaarta Itoobiya ayaaba inooga horreysay, waxaan dhihi karaa tani waa musiibo caalami ah, laakiin in mar walbo aan ka wada hadalno dowladda Itoobiya sidii aynu ku isticmaali lahayn biyaha qorshaheena wuu ku jiraa” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Gobollo badan oo dalka ka mid ah waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo intaba.

Goobjoog News