U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay furtay wadada xiriirisa Ceelbuur iyo Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay furantahay wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ee gobolkaasi kadib markii halkaasi ay kula dagaalameen xarakada Al-Shabaab.

Kornel Maxamed Kaariye Caraale oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa howl galka Badwaynta Hindiya qeybtiisa Galgaduud ayaa Goobjoog FM u sheegay in ciidamadu ay socdaal ku tageen wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb halkaasi oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo dagaal mudo kooban socday uu ku dhex maray.

Waxa uu intaasi raaciyay in khasaaro ay gaarsiiyeen ragii ku sugnaa deegaanadii miyiga ahaa ee ciidamadu ay tageen isaga oo tilmaamay in ay u suura gashay in ay dib u furan wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo xirneyd dhowr sano.

Hoos ka dhageyso codka Kornel Maxamed Kaariye Caraale: