U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Taageertay Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye oo u waramay Idaacadda BBC ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Iiraan, iyo sidoo kale taageerada ay dowladda Federaalka u muujisay dowladda Sacuudiga.

Waxa uu wasiirka sheegay in ay aad uga xumaadeen weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Iran islamarkaana ay ku baaqeen in la dhowro axdigii Vienna ee Diblomaasiyiinta.

“Waxaan sii deynay war-saxaafadeed aan leenahay hala ixtiraamo axdigii Vienna  in ay tahay wax aad u muhiim ah in wadamada aduunka ee ku jira axdigii Vienna  diblomaasiyiintooda aan wax la gaarsiin, sida foosha xun ee loo weeraray Safaaradda Sacuudiga aan ku raacsaneen oo aynu kasoo horjeedno, dowladda Iiraan inay garato mas’uuliyaddeeda”

Wasiir Hadliye ayaa la weydiiyay waxa ka jira in dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageertay dowladda Sacuudiga, kadib markii dowladaasi ay sheegtay in xiriirka ay u jartay Iran.

“Waxaan aannagu taageernay wixii xaq ah iyo wixii aan aragnay inay dhaceen, dowladda Sacuudiga waa dowlad saaxiib la nahay, waa dowlad wadankoodu xaramka ku yaallo waa dowlad cilaaqaad fiican inaga dhaxeeyo, weynu taageersannahay waxyaabo badan baanu isku taageersannahay, dadkeena baa ku nool ganacsi bay nala sameeyaan, taasi ma ahan wax cusub”

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa wax laga weydiiyay waxa ka jira in ay ammar ku bixiyeen in dalka ay isaga baxaan Diblomaasiyiin Iran ah.

“Ma jirto diblomaasiyiin Soomaali ah oo dalka ka baxa la dhahay, waxaa jira niman ah dhalashada Iran haysta oo maalin dhaweyd ay nabad sugidda meel aan loo baahneen inay joogaan iyaga oo jooga laga soo qaaday, nimankaasi arrintooda gacanta ayaa lagu hayaa”

Ugu dambeyn wasiir Hadliye ayaa sheegay in dowladda Iran ay la leeyihiin ciqaalaad, balse ay ka xunyihiin weerarkii safaaradda Sacuudiga ee Iran lagu qaaday.

“Dowladda Iiraan waa dowlad aan cilaaqaad leenahay, uma jeedno wax cusub oo soo kordhay laakiin arrinta aan Sacuudiga ku taageernay waxa uu yahay mid cad oo aan kuna taageersannahay iminka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye.

Goobjoog News