U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Ugu Dambeyntii Gudbisay Dacwadda Ka Dhanka Ah Kenya Ee Arimaha Badda

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ah Isniin 13-July 2015 waxa ay si rasmi ah maxkamadda caalamiga ee ICJ ugu gudbisay Document-iyada dacawadda ka dhanka ah Kenya ee la xiriirta Badda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa Docomentiyadaan oo ka kooban 150 bog ku wareejiyay diiwaan hayaha maxkamadda ICJ.

Dowladda Kenya ayaa haysata muddo 10 bil ah in ay uga soo jawaabto dacwadaasi, iyadoo sanadka soo socda la dhageysan doono dacwaddaasi.

Magaalada Hague ee dalka Netherland waxaa ku sugan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sidoo kale qubaro Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaasi oo aqoon durugsan u leh sharciyada badaha caalamka.

Kenya ayaa sanadkii 2005 waxa ay sheegtay in ay leedahay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, taasi oo dowladda ay isku dayday in siyaabo badan ku xaliso, hase ahaatee ugu dambeyn dowladda go’aan ku gaartay in maxkamad la’isla tago.

Goobjoog News