U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Oo Wada Qorshe Dib u Dejin Loogu Sameynayo Dadkii Laga Saaray Xarumaha Danta Guud Ee Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Mudooyinkii ugu dambeyay waxaa jiray olole balaaran oo ay waday dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taa oo dadka shacabka ah looga saarayay xarumaha dowladda ee magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen wixii ka dambeeyay bur burkii dowladda dhexe.

Wasaaradda Dib u dejinta iyo Howlaha Guud iyo Guryeenta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado qorshe dib u dejin loogu sameynayo dhamaan dadkii laga saaray guryahaasi.

Hadalkaan waxaa Goobjoog Fm u sheegay Agaasimaha waaxda Guryeenta ee wasaaradaasi, isaga oo tilmaamay in uu socdo qorshe balaaran oo arintaan ku saabsan, deg degna wax loogu qaban doono dadkan.

Waxa uu sheegay in weli sidoo kale ay jiraan dad badan oo degan xarumaha danta guud, iyo sidoo kale xerooyinka ciidamada, waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay u degan yihiin hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in ilaa looga baahdo xarumahaasi ay sii deganaan karaan dadka.

Dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah u bilawday in dadka laga saaro xarumaha danta guud, hase ahaatee waxaa jira xarumo badan oo dadka laga saaray, ilaa haddana aanay dowladda waxba ku qabsan, xitaa aanay dhisan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News