U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka oo Wafti Wasiiro Ah u Direysa Kismaayo

Sheeko:Dalka

Kadib hadalkii uu jimcihii jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dowladda ay ku mashquulsantahay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay golaha wakiiladda Jubbaland iyo waliba mooshinkii uu meelmariyeen baarlamaanka federaalka ayaa waxaa dhawaan Kismaayo aadi doona wafti heer wasiiro ah .

Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo hadlay ayaa sheegey in waftiga uu horkici doono wasiirka arrimaha gudaha si ay wadahadalo ola soo galaan maamulka Jubbaland, islamarkaasina ugu kuurgalaan cabashada ay qabaan dadka qaarkood.

Dowladda waxa ay sheegtey in wadahadalada ku saabsanyihiin dhameynta cabashada ay golaha wakiiladda Jubbaland ka qabaan beelaha qaar, laakiin dhanka maamulka Jubbaland waxa ay marka hore doonayaan in laga wada hadlo xiriirka iyaga iyo dowladda federaalka ka hor inta aanan laga hadlin arrinta beelaha cabanaya.

6-dii bishan June ayuu maamulka Jubbaland sheegey in uu xiriirka u jaray dowladda federaalka kadib markii isla maalintaasi baarlamaanka federaalka ay cod kalsoonida kala laabteen golaha wakiilada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaan isaga wali shaqsi ahaan ka hadlin xiriirka labada dhinac.

War qoraal ah oo kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegey in la dhameeyo khilaafka ka dhashay sameynta baarlamaanka Jubbaland.

Goobjoog News