Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo ku saabsan barnaamijka ECF ee dib-u-habeynta hannaanka Maaliyadda iyo Geedi socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.
Shirkaan oo 4 maalin socon doono ayaa diirada ku saari doonaa arrimaha dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) Maamul wanaagga iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si ramsi ah u furay ayaa sheegay in looga hadli doono horumarinta sare u qaadidda dalhliga gudaha, hirgalinta nidaamka Maamulka Maaliyadda Guud iyo dib-u-habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka ee ka taageera arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka Dib-u-habeynta Maaliyadda ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhamaystirka sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee lagu leeyahay oo ku dhaw $1 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Goobjoog News