U bood dhigaalka

“Dowladda Haka Laabato Go’aanka Ay Ku Xirtay Waddooyinka Muqdisho” Sidaasi Waxaa Yiri…

Sheeko:Amniga

Aqoonyahan Nuur Sheekh Cali oo ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Goobjoog, waxa uu kaga hadlay arrimo u badan ammaanka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay waddooyinka Muqdisho oo dowladda u xirtay sababo ay ku sheegtay ammaanka.

Shacabka ayuu sheegay in dhibaato badan loo horseeday iyadoo hadane amniga sidii la rabay aanu ahayn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Aqoonyahan Nuur ayaa ugu baaqay dowladda in ay ka laabato go’aankeedan ay waddooyinka ku xirtay si shacabka aanay shacabka usii dhibboon.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News