U bood dhigaalka

Dowladda Hoose Ee Istanbul Oo Magaalada Muqdisho Ugu Deeqday GaadiidKA Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dowladda Hoose ee Istanbul ay ugu tabarucday gobalka Banaadir 30 gaari oo nooca dadweynaha ah.

Odrugan oo ka hadlayey shir saxaafadeed ay magaalada Istanbul ku wada qabteen isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay in gaadiidkaan ay yihiin Basaska dadweynaha.

Taburracaadda gaadiidkaan ayuu Mr Erdoğan ku sheegay inay qeyb ka tahay dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxweynaha Turkiga in duqa magaalada Istanbul uu ballan qaaday in dowladda hoose ee magaalada Muqdisho uu ka caawinayo tababar siinta isku socodka gaadiidka dadweynaha oo hab casri ah.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic badan waxay ka fulisay Soomaaliya, iyadoo magaalada Muqdisho dib u dhistay waddooyin muhiim ahaa.

Goobjoog News