U bood dhigaalka

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo Amar Kasoo Saartey Xoolaha Magaalada Dhex Socda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cabdicasiis Goodax BarreAgaasimaha Waxda Nafaadada ee Dowlada Hoose, Cabdicasiis Goodax Barre ayaa sheegay in xoolaha waddooyinka iska meeraya ay waddooyinka ka uruurin doonaan, una samayn doonaan xerooyin ay dowladda ku xanaaneyso haddii dadka xoolahaasi leh ay heysan kari waayaan.

Wuxuu sheegey in marar hore ay digniin u direen dadka xoolahaasi ama xayawaanka kalaba leh, balse wali ay xoolahani dhibaato weyn oo xagga nadaafadda ah ku hayaan magaalada.

Mar uu ka hadlayay qorshayaasha kale ee dowladda hoose ayuu sheegey in ay u degenyihiin qorshayaal 3 bilood iyo mid lix bilood ah, kan sedexda bilood ayuu sheegey in uu yahay in la qaado qashinka waaweyn, kan lixda biloodna ay ka shaqeeyaan sidii dadka ay ugu dhaqmi lahaayeen sharciga.

Sharci hoosaadyada dowladda hoose ayuu sheegey in ay u saareen guddi 7 xubnood ah oo soo dajinaya sharcigii lagu hagi lahaa magaalada.

Wariyaheena oo wax ka weeydiiyey tirada shaqaalaha dowladda hoose iyo in ay heystaan wax lagu aqoonsado ayuu Goodax sheegey in shaqaalaha u diiwaangashan ay yihiin illaa kun qof, balse waxa kaararka aqoonsiga heysta ay kaliya yihiin dadka maamulka ku jira.

Gaadiidka shacabka iyo kuwa dowladda ama ciidamada AMISOM ee jiira ama dumiya tabeelayaasha leerarka ku xiranyihiin ayuu sheegey in sharciga lala tiigsan doono.

Dhageyso

Goobjoog News