U bood dhigaalka

Dowladda Hungary Oo Sheegtay In Ciidamo Dheeraad Ah Ay Ku Daabuleyso Xuduudda Ay La Wadaagto Serbia

Sheeko:Dalka

Dowladda Hungary ayaa ku dhawaaqday in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1,500 iyo saraakiil sar sare oo boliska u direyso xuduudda dalkaasi ee uu la wadaago wadanka Serbia , taas oo qeyb ka ah xaalad degdeg ah oo uu dalkaasi ugu talagalay la tacaalidda xiisadaha muhaajiriinta ee Yurub ka taagan.

Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Hungary Sandor Pinter ayaa sheegay in dalkiisu uu qaadayo tallaabooyin degdeg ah xilli uu shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada dalkaas ee Budapest.

Arrintan ayaa timid maalin kadib markii dalka Slovenia uu ku dhawaaqay in aysan xuduudahooda soo geli karin dad aan heysan Visa sharci ah oo ay Yurub ku soo galaan, taaas oo micnaheedu yahay in dalkaasi uu celin doono qaxootiga doonaya in ay gaaran galbeedka Yurub .

Dalalka Macedonia, Serbia, Slovenia iyo Croatia ayaa horay u adkeeyey xuduudahooda dhammaadkii 2015, taas oo sii kordhisay isku dayga muhaajiriinta ee ah in ay ka gudbaan dhanka Hungary.

Afhayeen u hadlay boliska dalka Hangari ayaa Aljasiira u sheegay in dad u dhexeeya 100 ilaa 200 maalin kasta xuduudda dalka lagu xiro kuwaas oo badankood ka yimid barriga dhexe iyo qaaradda Afrika.

Taladadii lasoo dhaafay oo kaliya Booliiska dalkaa waxa ay sheegeen in dad gaaraya 127 ruux xuduudda dalkooda laga qabtay, waxa uuna dalkaasi gacanta uu ku dhigay qaxooti gaaraya 976 ruux inta lagu guda jiray bishan Maaj ee bilaawga ah.

Goobjoog News