U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Gaadiid Ku Wareejisay Maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa dowladda Imaaraadka Carabta waxa ay 10 gaari oo isugu jira Cabdi Bile, Booyad iyo mid aan xabaddu karin ku wareejisay maamulka Koonfur Galbeed.

Gaadiidkaan oo wadar ahaan gaaraya 10 ayaa waxaa lagu wareejiyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka dowladda Imaaradka carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Al-cismaan ayaa ku wareejiyay shariif Xasan Gaadiidkaasi.

Ugu horeen safiirka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in deeqdaan gaadiidka ah ay qeyb ka tahay taageerada ay la garab taaganyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka carabta gaadiidkaan loogu deeqay maamulkiisa, waxaana uu sheegay in gaadiidkaan ay qeyb ka qaadan doonaan tayeenta ciidanka Koonfur Galbeed.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sidaan oo kale waxay horay gaadiid ciidan ugu deeqday dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira qaarkood.

006 005 004 003 002 001

FG:- Sawirada Waxaan Kasoo Xiganay Warbaahinta Dowladda

Goobjoog News