U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka oo Raalli galin ka Sugeysa Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Dr. Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay dowladdiisa markii ay la wareegtay lacag 9 milyan oo dollar ah oo sida uu sheegay ay u wadeen ciidanka Soomaaliya.

Mr. Gargash oo ka hadlayay Xarunta Cilmi-Baarista ee Policy Exchange ee magaalada London, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan garowsatay khaladka ay ka gashay Imaaraadka.

“Waxaan ka sugeynaa dowladda Soomaaliya inay raalli galin ka bixiso khaladkii ay naga gashay” ayuu yiri wasiirka.

Mr. Gargash ayaa intaas raaciyey inay jiraan dadaallo lagu dhexdhexaadinayo Imaaraadka iyo Soomaaliya, inkastoo uusan caddeyn cidda wadda dadaalkaas.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray markii  Dowladda Soomaaliya sheegtay inay ddhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka khaliijka, kuna gacan seyrtay codsi uga yimid xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Xulafada ayaa dowladda Soomaaliya ku edeeyay inay la safatay Qatar, oo xiriir aad u dhow la leh madaxtooyada Soomaaliya.

Xiriirka waxaa sidoo kale sii xumeeyay la wareegidda ay dowladda Soomaaliya la wareegtay 9 milyan oo dollar.

Imaanshaha lacagtaas ayaa kusoo beegmay xilli ay dalka hareeyeen xasarado siyaasadeed oo la xiriiray mooshin laga keenay Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.

Sheegid waxaa mudan in Imaaraadku yahay dalka xiriirka ganacsi ee ugu ballaaran la leh Soomaaliya. In ka badan 90% xawaaladaha Soomaalida waxay soo maraan bangiyada Imaaraadka.


Goobjoog News