U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska Oo Ciidamo Usoo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dhowaan ay Soomaaliya usoo diri doonto ciidamo ka tirsan Milatariga dalkaasi, kuwaas oo tabobarayaal ah, kana qeybqaadan doona dib u habeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay dowladdaasi sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahayd Soomaaliya oo xasisha, sidoo kalena noqota mid amni ah.

Dowladdan ma aanay sheegin tirada ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya, hase ahaatee dowladdan ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera dowladda Soomaaliya.

2-dii bishan ayeey ahayd markii dowladda Maraykanka ay sheegtay in ciidamo ka socda dalkeeda ay yimaadeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kaalin ka qaadna doono tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waddo dedaal ay ku dhiseyso ciidanka xoogga dalka, kuwaasi oo hanan doona amniga iyo kala dambeynta dalka.

Goobjoog News