U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska Oo Leerarka Cadceedda Ku Shaqeeya Ku Wareejisay Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa maamulka Koonfur Galbeed ku wareejisay nalalka ku shaqeeya cadceedda kuwaasi oo qaarkood lagu muday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Nalalkaan ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 175, waxaana dowladda Ingiriiska ugu talo gashay in maamulkan uga faa’ideyso magaalooyinka maamulkaasi.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ah guddoomiyaha gobolka Baay oo qalabkaan qaar ka mid ah lagu wareejiyey ayaa isna maamulka Baydhabo waxa uu ku wareejiayay leerarkaasi iyo sidoo kale gaari wiish ah oo loogu tala galay in lagu hagaajiyo nalalka cillada soo wajahda.

Horay dowladda Ingiriiska waxay Koonfur Galbeed sidaan oo kale ugu wareejiyay leerar ku shaqeeya cadceedda kuwaasi oo kaalin ka qaadan doona bilicda magaalooyinka maamulkaasi ka arrimiyo.

Nalalkan ku shaqeeya cadceedda waxaa hadda aad looga isticmaalaa meello badan oo ka mid ah gobollada dalka, waxaana markii ugu horreysay laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaa.

Goobjoog News