U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo Maalgelin-doonta Ballaarinta Dekadda Berbera, Somaliland

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, shirkadaha DP World ee Imaaraadka iyo midda dowladda Ingiriiska ee CDC ay heshiis ku gaareen iney wada maalgeliyaan dekado Afrika ah, oo ay ku jirto Berbera.

Heshiiska ay labada shirkad gaareen, oo ay ku baxeyso lacag dhan $1.72 billion, laguna dayac tirayo kaabayaasha dekadaha ayaa waxaa ka faa’ideysan doona ilaa saddex dekad.

Dekadaha la sheegay in lagu ballaarinayo ayaa kala ah Caynu Sukhna oo Masar ah, Dakar oo Senegal ah iyo Berbera oo Somaliland ah.

Sida ay warbixintu sheegeyso, DP Word waxaa ay bixin doontaa ilaa  $1 billion halka CDC ay bixin doonto $320 million, iyada oo laga yaabo in ka bixiso ilaa $400 million.

Goobjoog News