U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska Oo Safiir Cusub Usoo Magacawday Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya usoo magacawday safiir cusub oo bedali doona midka haatan dalka u jooga, kadib qoraal kasoo baxay dowladda dalkaasi.

Safiirka cusub ee Ingiriiska ayaa lagu magacaabaa David Concar, waxaana uu bedali doonaa Harriet Mathews oo muddo Sanad ka badan dalka ka shaqeyneysay.

David Concar, ayaa xilkaan la wareegi doona bisha January 2017 oo ah sanadka soo aadan, waxaana la sheegay inuu yahay shaqsi aad looga yaqaano dalka Ingiriiska.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtey in xilka kale ay u magacawday Harriet Mathews, islamarkaana booskii shaqo ee ay joogtey lagu soo bedalay David Concar.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dalalka taageera Soomaaliya, waxaana safiirkeeda uu si toos ah uga howlgalayey magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya.

Goobjoog News