U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya Ka Taageereysa Dib u Habeynta Maaliyadda

Sheeko:War

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K. Foster. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta Maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaana wasiirku  sheegtay  in dowladda ingiriiska ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad wanaaga iyo mashaariicda hormarineed.

“Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda federalka.

Kulanka wasiirka wasaaradda maaliyadda uu la qaatay danjiraha dowladda Ingriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya uu farayo heerkii ugu dambeeyay, kadib markii wasaaradda lagu ammaanay dib u habeynta dhaqaalaha, Ingriiska ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo amnigu ku jiro.

Goobjoog News