U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya Iyo Jabhadda OLF Oo Heshiis Kala Saxiixday

Sheeko:Dalka

Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa heshiis waxaa ku gaaray dowladda Itoobiya iyo Jabhadda OLF oo xarun u ah magaaladaasi.

Jabhaddan oo Oromo ah ayaa heshiiska ay la galeen dowladda Itoobiya wuxuu yahay mid nabadeed.

Daa’uud Ibsa ayaa sheegay in wixii heshiiskan ka dambeeya howlahooda siyaasadeed ay si nabad ah ugu qabsan doonaan gudaha dalka Itoobiya.

Waxyaabaha ay Labada dhinac ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ah in la jooojiyo halkankii hubeysnaa ee OLF iyo dowladda Itoobiya, iney ku laabtaan Itoobiya, in si nabad ah uga howlgalaan gudaha dalka Itoobiya iyaga oo aan caqabad ku hayn dowladda.

OLF ayaa dagaal adag kula jirtay dowladda Itoobiya balse isbedalkii ka dhacay dalkaasi ayaa laga saaray liiska waxa loogu yeero argagaxisada, sidoo kalena waxay dhankooda ku dhowaaqeen xabad joojin.

Goobjoog News