U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya Oo Ciidamo Kala Dhex Dhigtay Qowmiyadaha Soomaalida Iyo Canfarta Oo Dagaal Uu Ku Dhex Maray Xadka Labada Gobol

Sheeko:Amniga

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ciidamadeeda Amartay in ay kala dhex galaan dagaalada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ee ka socda xadka ay labada Qowmiyadood ay wadaagaan.

Ciidamada Federaalka ayaa sheegay in ay hadda kala qaboojiyeen dirirta labada qowmiyadood u dhaxeysa oo maalmihii la soo dhaafay dib u soo laba kacleysay.

Kooxa hubeysan oo ka tirsan qowmiyadda Canfarta ayaa la sheegay in ay soo weerareen dad xoola dhaqato Soomaali ah kuwaas oo ku sugna deegaan u dhaw xadka labada dhinac ay wadaagaan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay markii labada qowmiyadood ay isku qabsadeen dhuldaaqsimeed ku yaallo xadka labada Gobol.

Goobjoog News