U bood dhigaalka

Dowladda iyo Ahlusunna oo Ku Dagaalamay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan dowladda federalka Soomalaiya iyo xoogag ka tirsan dagaalamashaa Ahlusunna ayaa maanta ku dagaalamay magalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana dagaalka oo ka bilowday duleedka magaalada ayaa ku faafay xaafadaha ku hareeraysan halka lagu magacaabo xero gadiidka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii weerar dhogal ah ay ciidamada Alsunna ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan dowladda federalka, waxaana markaas ka dib bilowday dagaal xoogan, ciidanka Ahlusunna ayaa la wareegay xaafadaha ku hareeraysan Xero gaadiidka, wolow markii dambe laga saaray sida ay sheegayaan wararka la helay.

Shacabka ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan xaafadaha qaar ee magalaada gaar ahaan goobiha ku dhow xerada, waxaana jirtay in xaafdaha qaar lagu gaaracay madaafiic, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana isbitaalka la geeyay dhaawac askar iyo dad shacabka oo wax ku noqday dagaalka dhacay.

Dowladda ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalkii maanta Dhuusamareeb ka dhacay, waxaana ay sheegtay in xoogagaga Ahlusunna laga saaray magaalada, sida uu warbaahinta u sheegay salkaal ka tirsan Daraawiishta DGM walow dadka shacabka ah ay sheegay in wali rasaas laga maqlayo xaafadaha ku hareeraysan Xero-gaadiidka.

Goobjoog News