U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya oo raali gelin la siiyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka dalka, siyaasiin iyo gudoomayihii hore ee gobalka Hiiraan oo kulan isugu yimid ayaa raali gelin ka bixiyay weerar ay dad careysan oo dibadbax dhigaayeen ku qaadeen ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka mid ah.

Waxay sheegeen inay ahayd tilaabo qalad ah markii qaar ka mid ah dadkaasi Labaatankii bishaan ay gubeyn calanka Jabuuti, iyaga oo taasi raali gelin buuxda ka bixiyeen.

Ibraahim Cabdulle Nuur oo horay usoo noqday xildhibaan ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay u diraayaan raali gelin buuxda, islamarkaana wixii dhacay ay ahaayeen qalad dhacay.

Dhanka kale Cabdi Faarax Laqanyo oo ah gudoomiyahii hore ee gobalka Hiiraan ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay aaminsaneyn in reer Hiiraan aanay suura gal ahayn in ay calanka Jabuuti gubaan,hase ahaatee ay dad kale ku dhex jiraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shacab ka caraysnaa ciidamada Jabuuti oo ku wajahnaa deegaanka deefoow ayaa Labaatankii bishaan waxay dhigeen dibadbax xoogan, iyaga oo gubay calanka Jabuuti ciidamo bandanna dhagxaan kala daalay.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News