U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti Oo Daawo Gaarsiiyay Hiiraan

Sheeko:Caafimaadka

Dowladda Jabuuti ayaa maanta deeq daawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan kadib markii gobolkaasi degaanno ka tirsan uu ka dillaacay cudurka shuban biyoodka.

Deeqdani daawada ah oo uu soo dhiibey madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa loo soo wakiishay taliyihii hore ee ciidanka Jabuuti ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubad.

Col. Cismaan Dubad ayaa ku wareejiyay deeqda dawada ah guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji.

“Maanta halkaan waxaan deeq daawo ah ku wareejineynaa maamulka gobolka Hiiraan, deeqdan daawada ah oo uu soo dhiibay madaxweynaha Jabuuti waxaa loogu talagalay dadka qaba cudurka shuban biyoodka ah” ayuu yiri Col. Dubad.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Axmed Inji oo marka hore ka mahadceliyay deeqda daawada ah ee kaga timid Jabuuti ayaa sheegay in ay ku soo aaday xilli loo baahnaa.

Magaalada Baladweyne iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalkani Soomaaliya waxaa dadka ku nool fara ba’an ku haya cudurka shuban biyoodka oo ku sababay inay dadka qaar u dhintaan kadib markii ay heli waayeen kaamo caafimaad oo sax ah halka kuwa kalena ay weli la il daran yihiin dadka ugu badan ee uu soo ritay ayaa Isbitaalka dhexe ee Baladweyne looga keenay degaannada ku xeeran magaaladaasi.

Goobjoog News