U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Gargaar Soo Gaarsiisay Dadkii Ka Barakacay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Caafimaadka

Taliska ciidamada Amisom ee Dowladda Jabuuti  ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta deeq raashin ah soo gaarsiiyeen  shacabkii ka barakacay  Baladweyne , kuwaas oo ay saameyn weyn ku yeesheen fatahaaddii webiga Shabeelle uu dhowaan ka sameeyey magaalada, taas oo sababtay in bulsho badan ay ka barabaxaan Baladweyne.

Deeqdaan oo cadadkeedu  dhan tahay 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxaa ay u soo wakiilatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada  Jabuuti ee  ku sugan gobolka waxaana Maanta lagu wareejiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana la filayaa in ay gaarsiiyo shacabka ku barakacay  duleedka magaalada.

Korneyl Maxamed Barqad oo kamid Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo loo soo wakiishay Raashiinkan ayaa wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo Xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, iyada oo ka wada hadley sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne ee ku sugan inta u dhaxeyso Baladwen iyo Ceeljaale.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dowladda ,shacabka aan waalaha nahay ee Jabuuti iyo saraakiisha ciidanka  kaga mahadceliyay deeqdaan iyo sida ay u garab taaga yihiin mar weliba dadka Reer Hiiraan,isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan.

Deeqdaan ka timid dowladda Jabuuti ee Maanta la geeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli weli ay taagan tahay radadkii fatahaadda webiga sidoo kelena aysan weli helin wax gurmada dadkii u baracay deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledwyene oo wajahayo duruufo dhanka nolosha ah iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jirtay deeq ka timid dowladda Cumaan laakiin aan waxba ka tarin baahida jirtay.

Goobjoog News